Subscribe Us

WACYIGELINTA OLLOLAHA QAADDIID.


Mirqaanka ma miyir beel baa laga dhaxlaa?


 Ganacsatda qaadka ee dalka Kenya waxay maalin walba suuqa keenaan jawaanno jaad ah iyaga oo ka hela dakhli aad u badan.

Saynisyahanno ka tirsan haya'adda Cilmibaadhista Caafimaadka ee Kenya (Kemri), oo daraasad ku sameeyey dhibaatooyinka qaadka ayaa sheegay inuu qaadka khatar ku yahay caafimaadka maskaxda.

Kemri, waxay daraasaddan oo ay sanadkii 2015-kii soo billaawday ku sameeysay gobollada Embu iyo Meru oo ka wada tirsan dalka Kenya.

Saaynisyahannada daraasadda waday oo 2017-kii natiijada hordhaca shaaca ka qaaday waxay sheegeen in qaadku wax saameyn ah uusan u geysaneyn afka, galmada iyo caafimaadka.

Hase yeeshee, daraasaddan cusub ee ay Kemri toddobaadkii hore ku soo daabacday wargeyska natiijooyinka cilmibaadhista lagu soo daabaco ku sheegtay in qaadka uu sababo waxyeello soo gaarta caafimaadka maskaxda..

"Baaritaan lagu sameeyey dadka qaadka cuna oo darasadda ka qayb qaatay waxaa lagu ogaaday iney maskaxda wax ka qabaan", ayaa lagu yidhi warbixinta daraasadda talaadadii hore lagu soo daabacay wargeyska BMC Psychiatry.

Post a Comment

0 Comments