Sonkorow/macaan waa cudur nolosha oo dhan haya qofka oo aan la daweyn karin, laakiin waa la xadeyn karaa. Marka aad sonkorow macnaheedu waxa weeye jidhkaaga ayaa dhibaato ka haysaataa sidii uu u isticmaali laha tamarta ka timaada cuntooyinka aad cuntid. Tamartaasi waxay ka timaadaa dhamaan cuntooyinka ay ku jiraa karbohaydaraytka (daqiiqlayda iyo sonkoraha), borootiinta iyo dufanka. Ka dib marka aad cunto cuntid, wax cuntada loo beddelaa gulukoos taasoo ay unugyadaadu u isticmaalaan shidaal ahaan.
Waxa muhiim ah in aad xusuusnaatid in karbohaydraytku ay saameynta ugu weyn ku leeyihiin heerarka gulukoosta. Marka aad qabtid sonkorow, jidhkaaga waxa dhibaato ka haysataa sidii gulukoosta looga wareejin lahaa dhiiggaaga ee lagu wareejin lahaa unugyadaada. Taasi waxay sababaysa in heerka gulukoosta ku jirta dhiiggaaga ay sare u kacdo.
Gulukoosta dhiiggaaga oo aad ka dhigtid heer caadi ah intii suurogal ah waxay kaa gargaari kartaa in aad dareenti wacnaan iyo inaad heshid tamar dheeraad ah. Xadeynta fiicani waxay kale oo ay kaa gargaari kartaa in aad ka baxsatid dhibaatooyin ku dhaca indhahaaga, wadnahaaga, kelyahaaga, dareemeyaasha iyo xididada dhiigga.
Sida Cudurka Sonkorowgu u Saameeyo Jidhkaaga
Waxa jira dhawr nooc oo ah sonkorowga. Nooca 1, nooca 2 iyo sonkorowga uurka ayaa ah saddexda nooc ee ugu caamsan.
- Nooca 1: Ganacaagu (pancreas) waxa u sameeyaa wax yar oo ah insulin ama maba sameeyo. Jidhkaagu wuxu u baahan yahay insulin si gulukoosta looga saaro dhiiggaaga oo loo geeyo unugyadaada si ay tamar uga helaan.
- Nooca 2: Ganacaagu wali wuu sameeyaa xoogaa ah insulin, laakiin jidhkaagu uma isticmaalo sidii la rabay. Waxa tan la yidhaahdaa iska-caabbinta insulinta.
- Sonkorowga Uurka: Ganacaagu ma sameeyo insulinta dheeraadka ah ee loo baahan yahay xilliga uurka.
Marka insulintu aanay si sax ah u shaqeyn, gulukoosta ka imanaysa cuntada waxay ku dhex jiraysaa dhiiggaaga (halkii ay u wareegi lahay unugyadaada). Waxa laga yaabaa inad yeelatid astaamaha soo socda:
- haraad soo kordhay
- kaadi tiro badan
- tamar intii hore ka yar
- miisaan lumid aan sababtiisa la garanayn
- maqaar qallalan
- aragga indhaha oo isku darsan
- gaajo
- cudurka khamiirka (yeast) oo tiro badan
- nabaro aan bogsanayn
0 Comments