Subscribe Us

Maxaa ka jira in Paul Pogba uu ciyaarihiisa ku soo gabagabayn doono Kooxda Manchester United?

 


(Manchester) 18 Luulyo 2021. Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa doonaysa in Paul Pogba uu baaqi ku soo ahaado garoonka Old Trafford illaa laga gaarayo inta uu ciyaarihiisa soo gabagabeynayo.

Ciyaaryahankii hore ee Kooxda Juventus ayaa galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyey qandaraaskiisa kooxda Red Devils, waxaana jira warar xan ah oo sheegaya inay suuro-gal tahay inuu isaga tago Man United xagaagan.

Paris Saint-Germain ayaa loo maleynayaa inay qorsheynayso inay 51 milyan oo gini kula soo wareegto Pogba, halka Man United la la xiriirinayay inay keensato Eduardo Camavinga si uu bedel ugu noqdo Laacibkan.

Si kastaba ha noqotee, Warsidaha The Athletic ayaa warinaya in kooxda Tababare Ole Gunnar Solskjaer ay weli ku rajo weyn tahay in laacibkan khadka dhexe ay ku qanciso heshiis cusub oo waqti dheer ah, kaasoo ku sii hayn kara kooxda Man Utd illaa uu iska siibayo kabaha uu ku ciyaaro.

Warbixinta ayaa intaa ku daraysa in Pogba uusan si aad ah u dooneynin inuu u dhaqaaqo PSG, islamarkaana uu u furan yahay inuu qalinka ku duugo heshiis kordhinta Man United, inkastoo Mino Raiola uu sanadkii hore sheegay in xiddigan uu wakiilka u yahay waayihiisii Red Devils uu soo idlaaday.

Pogba ayaa dhaliyay hal gool, mid kalena u caawiyay xulkiisa Faransiiska intii lagu gudajiray tartanka Euro 2020, waxaana sidoo kale loo diiwaan geliyey 38 gool iyo 42 caawin 206 kulan oo uu saftay isagoo xiran Maaliyadda Man United.

Post a Comment

0 Comments