(Liverpool) 19 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa muddooyinkii dambe dadaallo ugu jirtay sidii ay qandaraaska ugu kordhin lahayd xiddigaheeda muhiimka ah, waxaana haatan lagu soo warramayaa inay ku dhowdahay inay heshiis cusub ka saxiixato xiddigeeda goolka qabta ee Alisson Becker.
Wariyaha suuqa kala iibsiga ka faallooda ee Fabrizio Romano ayaa warinaya inay Reds ku dhowdahay inay Alisson ku qanciso inuu labo sano ku kordhiyo qandaraaskiisa isla markaasna la gaarsiiyo xagaaga 2026.
Heshiiska 28-jirka reer Brazil uu haatan kula jiro Liverpool ayaa dhici doona xagaaga 2024, waxayna haatan kooxdiisa dardar gelineysa inay markii ugu horreysay Alisson qandaraaska u kordhiso tan iyo markii uu xagaagii 2018 kaga soo biiray naadiga AS Roma.
Alisson ayaa Liverpool u ciyaaray 130 kulan dhammaan tartammada inkastoo labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay uu la kulmay dhaawacyo daran, se waxa uu kula guuleystay Champions League iyo Premier League inta uu ka hoos shaqeynayay Macallin Jurgen Klopp.
0 Comments