(Muqdisho) 03 Luulyo 2021. Kooxda Gaadiidka a ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay Elman 0-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Somali Premier League oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Elman iyo Gaadiidka ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 74-aad kooxda kubadda cagta Gaadiidka ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay C/raxmaan Khaliif, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Emriel Chedeberi.
78 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Ategeka Stephan oo caawin ka helay saaxiibkiis Nicklos Kagaawa ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Kooxda Gaadiidka.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-2 ay kaga adkaatay Gaadiidka kooxda kubadda cagta Elman, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen tuulada ciyaaraha ee Stadium Mogadishu.
0 Comments